Maamulka Yahuudda ee xoogga ku haysta dhulka Falastiin ayaa wali gumaadaya shacabka ku nool wadanka Lubnaan oo ay daris yihiin Falastiin.
Deymaha ka dhacaya dalka Lubnaan ayaa noqday kuwo joogto ah, waxayna ku fideen meelo badan oo kamid ah wadanka, halka markii hore ay dhacayeen goobo kooban oo ay Koonfurta dalka kamid tahay.
Maalintii shalay oo Jimco ahayd duqeymo xiriir ah ayaa dhacay wadankaasi, waxaana ka dhashay dhibaatooyin kala duwan oo soo gaaray dadka ku nool wadankaasi.
Dhowr magaalo oo dhaca mandiqadda Al-Biqaac Sharqi ayaa waxaa shalay dhacay 5 duqeyn, halka magaalooyin kale oo dhaca Koonfurta iyo Bariga Lubnaan-na sidaasi oo kale ay duqeymaha Yahuuddu beegsadeen.
Tiro dadk ayaa ku dhaawacmay duqeyn ka dhacday magaalada Arnuun ee ku taalla Koonfurta Lubnaan, kadib markii ay beegsadeen diyaaradaha kayaanka Sahyuuniga ah.