Wakaaladda wararka ee Sana oo uu iska leeyahy nidaamka Bashaar Al-Asad ayaa sheegtay, in marinkii udhaxeeyay Suuriya iyo Lubnaan ay subaxnimadii shalay Yahuuddu la beegsatay duqeymo dhanka cirka ah, kuwaasoo sababay inuu joogsado adeeggii uu hayay.
Kayaanka Sahyuuiga ayaa si gaar ah u beegsaday buundada isku xiraysay labada wadan, waxana soo gaaray wax yeello daran, halka sido kale Yahuuddu ay duqeeyeen dhismayaal ku yiilay macbarka, oo iyaga laftooda burburkii ka dhashay uu xiray dariiqii la isaga kala gudbi lahaa labada wadan.
Wasiirka gadiidka ee xukuumadda Lubnaan ayaa isaguna dhankiisa wakaaladda wararka ee Reuters usheegay, in weerarada dhanka cirka ee Yahuuddu ay beegsadeen labada macbar ee kala ah, marinka Al-Cariida oo ku yaalla Waqooyiga Lubnaan, iyo midka labaad oo ah marinka Juuseyh, wuxuuna intaas ku daray in duqeynta yahuudda ay burbur xooggan ugeysatay dhismayaashii hoose ee ay bundooyinkan ku taagaanaayeen, taasoo keentay inuu dhaq dhaqaaqii maritaaka joogsado.
Maamulka Yahuudda ayaa xilligan cabsi xooggan ku dareemaya gudaha deegaannada uu xoogga ku joogo ee dhulka Falastiin, maadaama uu ka baqayo in dagaallada ka socda wadanka Suuriya ay usoo gudbaan dhankiisa.