Friday, December 27, 2024
HomeWarka DibaddaXuuthiyiinta oo Sheegay iney Gacanta ku Dhigeen Dad Jawaasiis u Ahaa Mareykanka...

Xuuthiyiinta oo Sheegay iney Gacanta ku Dhigeen Dad Jawaasiis u Ahaa Mareykanka iyo Yahuudda.

Malleeshiyada Xuuthiyiinta ee ka dagaallama gudaha dalka Yaman ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay iney gacanta ku dhigeen, dad ay ku tilmaameen jawaasiis oo ay sheegeen iney ushaqeynayeen sirdoonnada muusaad iyo CIA.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa xusay in dadka ay qabteen ka shaqeynayeen gudaha dalka Yaman, waxaana bayaan kasoo baxay oo uu baahiyay Channel-ka Al-Masiira ee iyaga raacsan lagu yiri ‘’ Sirdoonka waxaa usuuragalay iney maalmihii tegay gacanta kusoo dhigaan tiro jawaasiis ah, kuwaasoo uu shaqaaleysiiyay basaaska la doon doonayo ee lagu magacaabo Xamiid Xuseen Faayid Majli’’.

Xuuthiyiintu macadeyn tirade dadka ay Basaasiinta ku tilmaameen ee gacnata ugu jira, hase ahaatee waxaa kale oo bayaanka kasoo baxay ku xusan, in dadkan shaqadoodu ahayd soo gudbinta macluumaadka la xiriira meelaha halbowlaha u ah malleeshiyada Xuuthiyiinta, oo ay kamid yihiin halka uu ku sugan yahay hogaankooda ugu sarreeya ee Cabdil-Malik Al-Xuuthi iyo saraakiisha kale ee sar sare, goobaha ay yaallaan gentaallada, keydadka hubka, iyo diyaaradaha Drones-ka, halka taliska u ah weerarada ay ku qaadaan maraakiibta Shisheeye.

Malleeshiyadan Shiicda ah ee ka dagaallama dalka Yaman, ayuu hardan adag kala dhaxeeyaa Mareykanka Yahuudda iyo dowlado kale, waxayna mar waliba isdhaafsadaan weeraro laxaad leh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments