Malleeshiyada Xuuthiyiinta ee ka dagaallama dalka Yaman ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay, iney weerar jihooyin kala duwan ah ku beegsadeen, Markab dagaal iyo labo doomood 3 oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.
Markabkan iyo doomaha ayaa lagu weeraray gacanka Cadan iyo Baxrul-Carab, waxayna kooxda Xuuthiyiintu sheegeen iney la beegsadeen 16 gentaal oo balaastik ah, iyo diyaarad Drones ah iyo hub kale.
Waxay intaasi ku dareen kooxdu in si toos ah ula heleen Markab iyo doomaha, sawaariikhda iyo hubka kale ee ay la beegsadeen.
Malleeshiyada Xuuthiyiinta ee taageerada ka heleysa dowladda Shiicada ah ee Iiraan ayaa laf-dhuungashay ku noqday, maraakiib iyo doomaha Shisheeye ee adeegsada Badda Cas iyo Baxrul-Carab.