Xukunkan ayaa ka dhacay goob fagaare ku taalla degaanka, waxaana lagu fuliyay wiil dhalinyaro ah oo gabar ka zineystay islamarkaana aan guur soo marin.
Wiilka iyo gabadha iska zineystay ayaa maxkamadda Islaamiga ah ka hor qirtay iney falkan zinada ah ku dhaceen islamarkaana isaga raali ahaayeen, waxayna maxkamaddu xaqiijisay miir-qabkooda iyo haddii ay horay guur usoo mareen, waxaana cadaatay ineysan wax guur ah soo marin islamarkaana ay miir qabaan.
Wiilka kaliya ayaa la keenay fagaaraha xukunka ka dhacayay islamarkaana lagu fuliyay xukunka, halka gabadha sababo ku aaddan iney tahay umul dib ay maxkamaddu ugu dhigtay fulinta xukunkeeda, waxayna sheegtay in lagu fulin doono markii ay umusha kasoo baxdo.