Shirkado Shisheeye ayaa la wareegay howlaha dhsimaha ee Muqdisho, taasoo sababtay iney shaqo la’aan baahsan soo wajahdo xoosatada ku shaqeysa xirfaddaas.
Magaalada Muqdisho inta badan ilihii dhaqaalaha dalka waxa ay Dowladda Fedaraalka u gacan galisay dowlado Shisheeye, kuwaas oo guranaya kheyraadka umadda Soomaaliyeed.
Xittaa shaqada dhismayaasha ayaa waxaa la wareegay sharikado shisheeye, taas oo saameyn xooggan ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.
Waa kuwaan qaarkood oo ka waramaya xaaladaha adag ee heysta, iyo sida ay Shisheeyuhu ula wareegeen dhaqaalaha dalka.