Muruqmaalatada ku dhaqan dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ayaa sheegay, in dad ajaanib ah ay la wareegeen shaqooyinkii ay qaban jireen.
Dadka muruqmaalatada ah ee ku nool dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ayaa waxa ay wajahayaan cabaqado uu horseed uyahay maamulkaas.
Waxa ay tilmaameen in shaqooyinkii ay qaban jireen ay la wareegeen dad ajaanib ah, iyagiina laga ceyriyay howlahaas.
Mid kamid ah dadka ay arrintaan ku qabsatay magaalada Boosaaso oo isagoo ku guda jiro shaqadiisa laga dul keenay dad ajaanib ah ayaa ka warramay waxa uu ka kulmay.
Halkaan ka Degso Warka Xoogsatada