Xildhibaan iyo Masuuliyiin katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu eedeeyay iney colaad-beeleed ka hurinayaan deegaanno katirsan gobalka Sh-dhexe.
Odayaal kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen, in xildhibaanno iyo masuuliyiin katirsan Dowladda Fedaraalka ay hurinayaan dagaal-beeleedyo ka socda gobalka Sh-dhexe gaar ahaan degmada Warsheekh.
Waxa ay si gaar ah eedeyn ugu jeediyeen xildhibaan Xaadoole oo kamid ah baarlaamaanka Dowladda Fedaraalka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo ay ku eedeeyeen hurinta colaad-beeleedyada ka jira gobalka Sh-dhexe.