Xildhibaan Murjaan oo kamid ah xldhibaanada mucaaradka ku ah Dowladda Fedaraalka, ayaa Cabdulqaadir Maxamad Nuur oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay arrimo ay kamid ah yihiin Jaasuusnimo iyo inuu ushaqeeyo dowlado shisheeye.
Wuxuu kaloo ku eedeeyay inuu lunsaday hantidii loogu dhiibay ciidanka uu mas’uulka u yahay, islamarkaana uusan lahayn aqoon, karti iyo dadnimo intaba.