Xiisado horleh ayaa laga soo sheegayaa deegaanno katirsan dhulka Soomaali-galbeed, iyadoo weerar khasaare dhaliyay lala beegsaday maleeshiyaadka Liyu Bolis.
Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa ciidamo horleh soo dhuubtay tuulooyin hoos yimaada deegaanka Dacawaley ee dhulka Soomaali-galbeed oo ay gumeysato Itoobiya.
Labada dhinac ee iska soo horjeeda ayaa wada hub uruursi iyo dhaqdhaqaaqyo millatari, iyadoo laga baqdin qabo in dagaallo ay ka dhacaan gobalkaas.
Dadka deegaanka ee hubeysan ayaa waxa ay weerar ku qaadeen askar katirsan maleeshiyaadka Liyu Bolis oo ku sugnaa Ababar Axmed oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed.
Weerar culus ayaa maleeshiyaadka ku qabsaday deegaankaas, kadib markii ay weerar rogaal celis ah kala kulmeen dadka deegaanka, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaare xooggan.