Madaxtooyada Dowladda Fedaraalka ayaa war qad kasoo baxday waxaa magaca looga bedelay xerada Ganaraal Gordan oo kamid ah, xeryaha ciidanka Dowladda Fedaraalka ee ku yaalla Muqdisho, waxaana loo bixiyay Korneyl katirsanaa Dowladda Imaaraadka Carabta oo ay sanadkan gudihiisa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dishay xerdaasi.
Ariintan ayaa hadal heyn badan dhalisay durbana mucaaradda Dowladda Fedaraalka ayaa bilaabay iney kasoo horjeestaan.
Waxay suurgal ah in Xasan Sheekh ay Dowladda Imaaraadku siisay amaarka ah in la bedelo magacan, maadaama uu korneylkan isagoo difaacaya danaha Dowladda Fedaraalka la dilay, imaaraadkuna ay taasi ku qanci waayeen.
Xildhibaan Yuusuf Gamaadiid oo kamid ah xildhibaanada mucaaradka Dowladda Fedaraalka, ayaa arrintan nasiib darro ku tilmaamay.