Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud, ayaa sheegay in caalamku dowladiisa uga fadhiyo la dagaallanka waxa uu argagaxissada ugu yeeray oo uula jeedo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo umadda Soomaaliyeed ee ku fakarka ah, ee doonaya in la hirgeliyo nidaam Islaami ah.
Wuxuu tilmaamay in looga fadhiyo dhankoda iney dalka ka saaraan “argagaxisada” uuna dhiso dowlad dimuqraadi ah, taasoo ah dowlad ka hor imaaneysa Shareecada Islaamka.
Hadalkan ayaa muujinaya sida dagaalka uu Xasan Sheekh kaga jiro Soomaaliya aanu u ahayn dagaal Soomaali leedahay, balse uu u fulinayo ajande dibadda looga soo dhiibay, oo ay karkarinayaan dowladaha Shisheeye ee aan nabad iyo barwaaqo la dooneynin shacabka Soomaaliyeed.