Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh oo kulan uga qeybgalayay dalka Sucuudiga, ayaa ku baaqay in lasii daayo Maxaabiista Yahuudda, taasoo uu sheegay iney suurogelin karto xabad joojin.
“Dowladeyda waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah loogu dhawaaqo xabad joojin, lana sii daayo dhamaan maxaabiista iyo la heystayaasha, tan ayaa suurogal ka dhigi karta badbaadada nolosha kumanaan ruux, iyo iney joogsato dhibaatada, iyadoo fursad loo helayo in lawada hadlo, waana arinka aan sida deg dega ah ugu baahannahay”.
Xasan Sheekh Maxmuud, ayaa horey u sheegay inay Yahuuddu u aqoonsanyihiin dowlad iyo qaran.