Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Fedaraalka ayaa weerar afka ah ku qaaday hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland.
Xamse Cabdi Barre oo ah Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Fedaraalka ayaa isagoo ka hadlayay goob madal ah waxa uu weerar afka ah ku qaaday, Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland.
Xamse ayaa sheegay in Axmed Madoobe uusan heysan wax sharciyad ah oo uu doorasho ku qabto, maadaama uu sheegay in uu wakhtiga ka dhamaaday, isagoo qorshaha uu wado ku tilmaamay mid xaaraan ah, isagoo Axmed Madoobe ku shabahay sida Fircoon oo kale, ballamihii ay isla galeenna uu uga baxay, taas aawadeedna aan waxba lagu aamini karin.