Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Xamse Cabdi Barre, ayaa qiray in Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee ay ku dhaqanto Dowladda Federaalka aanu ahayn xeer ay Muslimiin yeelan karaan.
Wuxuu sheegay in loo baahanyahay in boqolkiiba boqol la muslimiyo xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Hadalkan wuxuu ka hor sheegay kulan ay isugu yimaadeen xubnaha garsoorka Dowladda Federaalka oo ka dhacay Muqdisho.
Horay waxaa silsilaxad taxane ah oo Saa’a Maa Yaxkumuun loogu magacdaray, kasoo saaray dasturka Dowladda Federaalka iyo Xeerka Ciqaabta, mu’assasada warbaahineed Al-Kataa’ib, taasoo soo bandhigtay qodobada ka hor imaanaya Shareecada Islaamka ee kujira labadaas xeer.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay sheegtay iney diyaar u tahay iney dood sharci ah ka gasho xaqiiqooyinka ay kusoo bandhigtay silsiladdaas, laakiin sanado kadib Dowladda Federaalka ayaan weli ka dhabeyn ballanqaad ay sameysay, oo la xiriiray iney iyaduna jawaab sharci ah ka bixin doonto taxanaha.