Sunday, December 22, 2024
HomeAll NewsXabad Joojintii Lubnaan oo Fashilantay iyo Yahuudda oo Duqeeyay Koonfurta Dalkaas.

Xabad Joojintii Lubnaan oo Fashilantay iyo Yahuudda oo Duqeeyay Koonfurta Dalkaas.

Waxaa durba dibadda usoo baxay fashilka iyo tabardarrida heshiiskii xabad joojinta ahaa ee Dhawaan la kala dhexdhigay ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbuullaah iyo maamulka Yahuudda.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa aad isku soo tarayay dhacdooyinka kala duwan ee muujinaya in labada dhinac ay jabiyeen heshiiskii xabad joojinta ee aan markii horaba iska adag ku fadhin.

Jabinta heshiiska waxaa horaba bilowday Yahuudda, iyadoo ciidankeedu aysanba joojin duqeymaha ay ka fulinayaan Koonfurta Lubnaan.

Galabnimadii shalay diyaaradaha maamulka Yahuudda ayaa duqeymo ka geystay Koonfurta Lubnaan, waxayna ku dileen 9 ruux halka ay ku dhaawaceen 3 kale.

Duqeymahan ayaa yimid kadib markii ururka Shiiciga ah uu jawaabaya Yahuudda gentaallo ku weeraray saldhiyo ay leeyihiin ciidanka Yahuudda, Kayaanka Sahyuuniga ayaana duqeymo ka geystay Koonfurta Lubnaan, isagoo marmarsiiyo ka dhiganaya in la jabinayo heshiiska oo isagba lasoo weeraray.

Hase ahaatee xaqiiqadu waxay tahay, in Yahuuddu tahay cidda markii ugu horreysayba jabisay Heshiiska xabad joojinta ah.

Xatta Yahuuddu xilligan waxay si toos ah uduqeynayaan ciidanka xukuumadda Lubnaan, wasaaraddda caafimaadka ee Lubnaan ayaana war ay soo saartay ku sheegtay, in mid kamid ah askartooda oo saarnaa mooto dhug dhugley mareysay magaalada Marjiciyuun ay Yahuuddu duqeeyeen, halkaasina ku dileen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments