Aroornimadii hore ee maanta kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxa ay weerar ku qaadeen, muwaadin Soomaali ah oo ku sugnaa deegaan katirsan dalkaas.
Maxamed Cali Culusoow ayay koox burcad Koonfur Afrikaan ah aroortii hore ee maanta ku dileen, afaafka hore ee xarun ganacsi oo ku taalla, deegaan lagu magacaabo Gugulethu oo katirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.
Dhowr xabadood ayay madaxa kaga dhufteen Maxamed oo ahaa wiil dhalinyaro ah, iyagoo intaa kadib horay uga sii qaatay lacag iyo agabyo kale oo uu watay.