Ciidamada Xarakada Mujaahiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay fuliyeen weeraro ka dhan ah ciidanka Xabashida Itoobiya iyo Dowladda Fedaraalka.
Weerarada oo isugu jira kuwa toos ah iyo qarax ayaa ka kala dhacay goballada Galgaduud, Baay iyo Hiiraan, waxaana qaarkood ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Habeenkii xalay waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xerada ay askarta Xabashida Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobalka Baay, iyo saldhigga askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ee Qansaxdheere oo katirsan isla gobalkaaas.
Dhanka gobalka Galgaduudna, waxa ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu dilay askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Howlgalka oo si gaar ah kaga dhacay deegaanka Waniinle ee hoostaga degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud ayaa lagu dilay 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka, iyadoo lagu dhaawacay 2 kale, waxaana intaa dheer oo howlgalka lagu soo furtay 3 qori oo
AK-47 ah.
Ugu dambeynna habeenkii xalay waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah la beegsadeen, askar ilaalo ka aheyd xabsiga magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.