Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee ka jihaada mandiqadda Saxaraha iyo Saaxilka Afrika ayaa markale fuliyay, weeraro khasaare dhaliyay oo ka dhan ah askarta Xukuumadda Burkinafaso iyo kuwa Niger.
Weeraradaan oo ahaa qaraxyo iyo mid toos ah ayaa midkood waxaa lala beegsaday mooto ay wateen askarta xukuumadda Burkinafaso oo mareysay deegaan katirsan gobalka Banfuura ee gudaha dalkaaas.
Qaraxa ayaa gabi ahaanba burburiyay mootada, waxaana halkaasi ku dhintay askartii saarneed sida lagu sheegay war kasoo baxay Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin, iyagoo sidoo kale baahiyay sawirka burburka mootada.
Sidoo kale waxa ay weerar toos ah ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen askar katirsan xukuumadda Burkinafaso oo ku yaalla deegaan hoostaga gobalka Bobo-jolaso ee gudaha dalkaas.
Weerarkaan ayaa lagu dilay ugu yaraan 7 askari oo katirsan xukuumadda dalkaas, iyadoo laga soo furtay 2 qori oo AK-47 ah iyo agabyo kale oo millatari.
Geesta kale weerar qarax ah ayaa lala beegsaday askar katirsan dowladda Niger oo ku socdaalayay deegaanno katirsan mandoqadda Talaabeeri ee gudaha dalkaas.
Qaraxa oo ahaa miino muwaajaho ah ayaa waxa uu haleelay kolonyo katirsan askarta xukuumadda Niger, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.