Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay fuliyeen, weeraro ka dhan ah ciidanka Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo ka kala dhacay qaar kamid ah goballada dalka.
Haddaan ku horeyno gobalka Sh-hoose, waxay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xerada askarta Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Danow ee gobalkaas.
Sidoo kale waxaa xalay weerar lagu qaaday, fariisin ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmada Baardheere oo katirsan gobalka Gedo.
Dhanka Bakoolna, waxay ciidamada Xaralada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, saldhigga askarta maamulka la baxay Koonfir-galbeed ay ku leeyihiin degmada Ceelbarde ee gobalkaas.