Wednesday, January 8, 2025
HomeAll NewsWeeraro ka Dhan ah Shisheeyaha iyo Maamulka K/Galbeed oo ka Dhacay Sh-hoose...

Weeraro ka Dhan ah Shisheeyaha iyo Maamulka K/Galbeed oo ka Dhacay Sh-hoose & Baay.

Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weeraro ka fuliyeen goballada Sh-hoose iyo Baay, kuwaas oo lala beegsaday ciidanka Shisheeye ee Uganda iyo kuwa maamulka la baxay Koonfur-galbeed.

Haddaan ku horreyno Sh-hoose, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay habeenkii xalay weerar ku qaadeen, saldhigga ciidamada shisheeye ee Uganda ku leeyihiin degmada Qoryooleey ee gobolkaas.

Dhanka gobalka Baay, Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xalay weeraro ku qaadeen, saldhigyada askarta maamulka la baxay Koonfur-Galbeed ay ku kala leeyihiin xaafadda Bukhriyay ee magaalada Baydhabo, iyo degaanka Awdiinle ee hoos taga magaaladaasi.

Illaa iyo hadda ma aanan helin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan khasaaraha askarta Uganda iyo kuwa maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku gaaray weeraradaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments