Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay habeenkii xalay weeraro culus ku qaadeen saldhigyo ku yaala degmooyinka Waajid iyo Balcad, oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.
Waajid, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray, fariisin afaafka hore ee degmada ay ku lahaayeen ciidamada maamulka labaxay Koonfur-Galbeed.
Dagaal kooban kadib waxaa goobta isaga cararay ciidamadii la weeraray, iyagoo gudaha u galay magaalada, ciidamada Mujaahidiintana waxay goobta kasoo qaateen agabyo kala duwan.
Dhinac kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xalay weerar culus ku qaadeen, xerada ciidamada Burundi ee qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Balcad.
Rasaasta la is weydaarsanayay ayaa laga maqlayay magaalada Balcad, waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey.