Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay fuliyeen, weeraro ka dhan ah ciidanka Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.
Habeenkii xalay weerar culus ayaa lagu qaaday, xerada ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin garoonka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Sidoo kale weeraro kan lamid ah ayaa lagu ekeeyay, fariisimo ay ciidanka Itoobiyaanka ku leeyihiin degmooyin katirsan gobalka Bakool.
Weerarada ayaa si gaar ah kaga dhacay, xeryaha ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmooyinka Xudur iyo Waajid oo kawada tirsan gobolka Bakool.