Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay fuliyay weeraro isugu jira kuwa toos ah iyo qarax, kuwaas oo lala beegsaday askar katirsan Dowladda Xabashida Itoobiya iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.
Gobalka Gedo, habeenkii xalay waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar ku qaadeen, xero ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin qeybo kamid ah gobalkaas.
Weerarka ayaa si gaar ah kaga dhacay, xero ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.
Sidoo kale waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay weerar ku qaadeen, xerada askarta Dowladda Fedaraalka ay ku leeyihiin degmada Waajid ee gobalka Bakool.
Ugu dambeynna waxaa isla xalay weerar qarax ah lala beegsaday, xero ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxaana lasoo warinayaa in khasaare uu ka dhashay qaraxaas.