Booliiska Jarmalka ayaa sheegay, inay qabteen nin toorey ku dhaawacay dhowr qof oo u dhashay dalkaas, weerarkan toorayda loo adeegsaday ayaa ka dhacay xaafadd ka tirsan magaalada Berlin ee Caasimada dalka Jarmalka, kaas oo sababay dhaawaca Labo qof.
Dadka weerarkan ku dhaawacmay ayaa la dhigay isbitaalada magaaladaas, iyagoo xaaladooda caafimaad laga dayrinayo, weerarkan ayay laamaha Booliisku sheegeen inay qabteen qofkii ka dambeeyay, inkastoo ay baaritaan ku hayaan dadkii ka agdhawaa goobta falku ka dhacay.
Dalkan ayaa marti galiya weeraro noocan oo kale ah, kaas oo lagu dilo tiro dad ah, waxaana loo aaneeyaa inta badan dadka muslimiinta ah ee ka caraysan garab istaaga dawladaasi ay sii nayso Yahuudda xasuuqa ku haysa shacabka reer Falstiin.
Dalkan ayaa wali la ildaran musiibadii ka dhalatay weerarkii lagu hoobtay ee bishan ka dhacay magaalada Magdeburg ee bartamaha dalkaas gaar ahaan suuqa Christmas-ka, kaas oo ay ku dhinteen 5 qof, halka in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen.