Maalintii shalay oo Sabti ahayd warbaahin ka howlgasha wadanka Faransiiska tebisay iyadoo soo xigabeysa ilo amni ah, dilka 4 qof oo labo kamid ah ay Boolis yihiin, dadkan ayaa dilkooda ka dhacay degaan ay degan yihiin dad qaxooti ku ah dalkaasi oo lagu magacaabo lown Bilaaj, kuna yaalla meel udhow magaalada Dunkirk ee dhaca Waqooyiga Faransiiska.
Waxay saxaafaddu sheegtay in wiil 22 jir ah uu dadkan rasaas oodda kaga qaaday islamarkaan qirtay inuu isagu ka dambeeyay falkan, kadib markii uu xukuumadda dalkaasi isku dhiibay.
Wiilkan 4 ruux dilay ayaa sheegay inuu waqti kan sii horreeyay 1 qof oo kale ku dilay meel udhow degaanka uu markan dambe dadka ku dilay.
macadda sababta uu wiilkani udilay dadkan gaaray shanta ruux, xukuumadda Faransiiskuna ma aysan bixin faahfaahin ku aaddan arrimahaasi.