Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weerar ku qaadeen, isbaaro ay askarta Dowladda Fedaraalka dhigteen deegaan katirsan gobalka Sh-hoose.
Weerarka ayaa si gaar ah kaga dhacay isbaaro askarta utiillay halka loo yaqaano Dalbiyaanka oo u dhaw deegaanka Danow oo katirsan gobalka Sh-hoose.
Inta la xaqiijiyay 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay weerarkaan, iyadoona laga furtay qoryihii ay ku hubeysnaayeen iyo booshashkooda.
Dhowr mar oo hore waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gobalka ka fuliyeen weeraro ay ku beegsadeen askarta isbaarooyinka dhigta, waxaana weerarkii kan ka horreeyay lagu soo qabtay sarkaal isbaaro dhigtay oo dhibaato ba’an ku hayay dadka musaafirka ah.