Tuesday, December 24, 2024
HomeAll NewsWasiir Juxa oo ku Baaqay in Cunaqabateynta Hubka Lagu soo Celiyo Dowladda...

Wasiir Juxa oo ku Baaqay in Cunaqabateynta Hubka Lagu soo Celiyo Dowladda Fedaraalka.

Masuul katirsan maamulka la baxay Puntland ayaa sheegay iney haboon tahay in Dowladda Fedaraalka dib loogu soo celiyo cunaqabateynta hubka.

Cabdi Faarax Juxa oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka la baxay Puntland ayaa shaaca ka qaaday, in halis amni oo xooggan ay ka timid cunaqabateyntii hubka ee laga qaaday Dowladda Fedaraalka.

Waxa uu tilmaamay in dagaallo siyaasadeysan oo dano shakhsiyadeed ku dhisan loo adeegsaday hubka ay Dowladda Fedaraalka ka heshay Shisheeyaha, hubkaasna aan lagu aamini karin xukuumadda uu fadhigeedu yahay Muqdisho.

Waxa uu tusaale usoo qaatay dagaalkii Raaskambooni oo uu sheegay in Dowladda Fedaraalka ay u adeegsatay diyaarado Drone ah, sidaas darteedna ay haboon tahay in dib loogu soo celiyo cunaqateynta hubka.

Waxa uu kaloo xusay in deyn cafinta ay iyaduna tahay mid aan habooneen, maadaama buu yiri ay Dowladda Fedaraalka ku asteysan tahay kuwa ugu musuqmaasuqa badan caalamka.

Halkaan ka Degso Warka Wasiir Juxa

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments