Weerarkan dhanka Intarnet-ka ah ee ay la kulantay wasaaradda maaliyadda Mareykanka ayaa dhacay bilowgii Bishan December ee dhamaadka ah sida lagu sheegay war kasoo baxday wasaaradda.
Waxay wasaaraddu sheegtay inuu weerarkan beegsaday Documentiyo aan qarsoodi ahayn sida hadalka udhigtay, iyadoo la adeegsanayo barnaamij amni ah oo ay leedahay shirkadda Beyond Trust.
Kadib markii weerarkan ay la kulantay wasaaraddu, waxay ku qasbanaatay iney joojiso shaqadii kasocotay qeybaha loo dhacay, waxayna arrintan la wadaagtay wasaaradda Dagaalka ee Mareykanka, iyadoo tuhmada weerarkan dusha kaga tuurtay dowladda Shiinaha oo ay sheegtay iney fuliyeen qolyo iyada xariir la leh oo ay maalgeliso.
Xukuumadda Beijing ayaa dhankeeda iska fogeysay ku lug lahaanshiyaha weerarkan, iyadoo intaasi ku dartay inuusan warkaasi eedeynta ah wax sal iyo raad ah lahayn.
Dhankeeda Shirkadda Beyond Trust oo fadhigeedu yahay gobolka Joorjiya ee dalka Mareykanka islamarkaana iska leh barnaamijka lagu jabsaday wasaaradda, ayaa xaqiijisay jiritaanka weerarka, waxayna sheegtay iney qaadeen tiro kamid ah dadka macaamiisheeda ah ee isticmaala barnaamijkan ay shirkaddu bixisoo ku saabsan dhanka lacagaha.
Waxay intaasi sii raacisay shirkaddu iney waddo baaritaanno ku aaddan arrintan balse ma aysan bixin tafaasiil intaasi ka dheeri ah.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dowladda Mareykanka la kulanto weeraro dhanka Intarnet-ka ah.