Weerarkan dhanka cirka ah oo dhacay Sabtidii aynu soo dhaafnay, waxaa fulisay dowladda Ukraine, iyadoo adeegsaneysa diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah.
Gaari ay kuwada safrayeen tiro saxfiyiin ah ayaa wuxuu weerarkan ku qabsaday meel ka fog aagga dagaalka oo udhow magaalada Donetsk, waxaana ku dhintay hal saxafi lagu magacaabo Aliksandar oo ka dhashay wadanka Ruushka, una shaqeynayay wargeyska Izeftiya.
Sido kale waxaa ku dhaawacmay 2 wariye oo ushaqeynayay dowladda Ruushka sida ay sheegtay wakaallada wararka ee Ruushka, halka ay ku dhaawacmeen labo saxafi iyaguna ushaqeynayay wargeys maxalli ah oo fadhigiisu yahay magaalada Donetsk.
Dowladda Ruushka gaar ahaan wasaaradeeda arrimaha dibadda, ayaa weerarkam cambaareysay, iyadoo ku sheegtay inuu yahay mid ku tala gal ah.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka udhaxeeya dowladaha Ruushka iyo Ukraine, waxaa dhintay 15 saxafi, sida laga soo xigtay guddi sheegta iney howshoodu tahay badqabka saxafiyiinta.