Thursday, January 16, 2025
HomeAll NewsWarbixin: Heshiiska Xabad Joojinta Muxuu Uga Dhiganyahay Muslimiinta Qazza?

Warbixin: Heshiiska Xabad Joojinta Muxuu Uga Dhiganyahay Muslimiinta Qazza?

Waxay ahayd guuul iyo nasri in muda ah la dhowrayay, hase ahaatee timid 15 bilood kadib, iyadoo ku xardhan dhiiga tobanaan kun oo Shuhado ah, dhaawaca inkabadan boqol kun oo qof, iyo sumuudka iyo adkeysiga shacab dulmi diid ah, oo cizzatu nafsiga kasoo dheeganaya Aayadaha Quraanka Kariimka.

Kadib kulamo dhaadheer oo magaalada Ad-Dowxa ee caasimadda Qatar uga socday wufuud kala mataleysay Yahuudda iyo Muqaawmada Filastiin, waxaa ugu dambeyn dhinacyadu gaareen heshiis ka tarjumaya in shan iyo toban bilood kadib, uu Netanyahu isagoo dulleysan ogolaaday, waxa uu diidanaa maalinkii ugu horeeyay ee dagaalka.

Sida ku cad qodobada heshiiska, waxay Kooxaha Muqaawamada Filastiin iyo Yahuuddaba heshiis ka gaareen arimo la xiriira xabad joojinta, in ciidamada Yahuudda ka baxaan guud ahaan Qazza, in barakacayaasha kusugan koonfurta Qazza ay dib ugu laabtaan guryahooda, in kaalmo banii aadamnimo oo deg-deg ah lala garo Marinka Qazza iyo in labada dhinac ay maxaabiis isweydaarsadaan.

Halkan kala deg Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments