In la is garab qabto oo la isku kaalmeeyo waa tiir aasaasi u ah dhisidda mujtamac awood badan oo horumarsan, maxaa yeelay waxa uu xoojinayaa xiriirka bulshada, waxa uuna ka qeyb qaadanayaa in la gaaro hormar dhan waliba ah.
Haddaba maxay tahay ahmiyadda uu leeyahay tacaawunka, halkee ayaysa tahay in la isku garabsado? mise jiraan waxyaabo ku horgudboon inuu bulshada ku dhex faafo? muxuusa Islaamku la gaar yahay marka laga hadlayo majaalkaan? Dhammaan su’aalahaas waxaad kaga bogan doontaan warbixinteenna maanta Insha’Allaah.