Dowladda Faransiiska waxay leedahay taariikh gumeysi oo aad u dheer maga hadlayo dunida Islaamka, siiba qaaradda Afrika oo ay taariikhyahannada ugu yeeraan ” Qaaradda Islaamka”.
Laakiin sanadihii ugu dambeeyay dowrka gumeysi ee Faransiisku ku lahaa qaaraddan ayaa gabaabsi sii ahaa, siyaasiyiintii Paris daacadda u ahaa ayaana ka horyimid siyaasadaheeda, iyadoo ay dheertahay in qaaraddu ay ka howlgalaan awoodo Jihaadi ah.