Wafdigii ay Dowladda Fedaraalka udiray Itoobiya ayaa dib usoo noqday isagoo hungoobay.
Warar la helayo ayaa tilmaamaya in wafdigii ay Dowladda Fedaraalka udirtay dalka Itoobiya uu dib uga soo noqday dalkaas isagoo aan wax ujeedkiisa gaarin.
Wafdiga oo ay hogaaminayeen Cali Balcad oo ah Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Fedaraalka, iyo Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ah taliyaheeda Sirdoonka ayaa waxa ay ka kulmeen masuuliyiin Xabashi ah, kuwaas oo ay kala hadleen dardar galinta hishiiskii Xaaraanta ahaa ee uu Xasan Sheekh Abiy ugu saxiixay iney qaataan Badda Soomaaliya.
Waxa kaliya ee ay kala soo laabteen shirka ayaa lagu sheegay, in bisha 2-aad ee sannadka soo socda ee 2025-ka la sameeyo gudi ka shaqeeya dardar galinta heshiiskii hore.
Labada dhinac ayaa sidoo kale lasoo warinayaa ineysan wax badan iskala hadlin arrimaha ammaanka, islamarkaana aysan arrimo dhowr ah isku fahmin.