Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Ukraine ayaa sheegtay, in loo fiiriyo burburka ku socda nidaamka Nuseyriga ee uu taageero Ruushku iyo dagaallada kasocda Ukraine uusan xilligan Ruushku awoodin inuu ka dagaallamo labo jabhadood.
Afhayeen ku hadlayay wasaaradda arrimaha dibadda Ukraine ayaa isagoo ku gudah jira shir jaraa’id todobaadle ah wuxuu yiri: ‘’ aragtideyna ku aaddan Ruushka, waa inuusan awoodin dagaalka labo jabhadood, arrin kanna waa mid iska cad, oo wuxuuba ka dhex muuqaadaa dhacdooyinka ka dhacaya Suuriya.’’
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: ‘’ khasaaraha lixaadda leh ee uu Ruushku kula kulmay gudaha Ukraine, waxay xukuumada Mooskoow ku kalliftay, iney badi ciidamadeedii joogay Suuriya iyo agabkoodii kasoo rarto Suuriya, iyadoo kasoo tatay xaliifkeeda oo aan heysan taageero joogto ah.’’
Dowladda Ukraine ayaa markan Ruushka u aragta iney hor taallo labo daran mid dooro, waayo ma awoodyo xilligan inuu si fudud uga baxo dagaalka Ukraine, dhanka kalena ma uma fududa inuu taageero joogto ah siiyo nidaamka Bashaar Al-Asad, oo xilligan ku socdo burbur xooggan.