Xukuumadda Ukraine ayaa sheegtay in dowladda Ruushku kusoo weerartay 103 diyaaradood oo nooca Drones ah, kuwaasoo ka dhigan 103 gentaal oo uu Ruushku usoo diray Ukriane, waxayna sheegtay, in diyaaradahan 52 kamid ah ay soo ridday , halka qaar kale oo badan ay weysay.
Difaaceeda hawada ayey sheegtay xukuumadda Kiyv inuu soo riday diyaaradahan, iyadoo dhanka kale qirgtay iney khasaare kala kulantay soo ridtaanka mid kamid ah diyaaradaha oo kusoo dul dhacday dhisme, halkaasina uu dab ka ka kacay, dhismaha uu burur soo gaaray.
Weerarkan ay fulisay dowladda Ruushka ayaa kusoo beegmay xilli Ukraine ay dhankeeda Sabtidii ay weerar diyaarado Drone ah loo adeegsaday ku qaadday magaalada Qaazaan eek u taalla Ruushka, Butin ayaana aad ugu carooday weerarkaasi, isagoo ugoodiyay xukuumadda Ukraine.
War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushk ayaa lagu sheegay in labo diyaaradood ay ku dhacday dhisme ka kooban 37 dabaq oo ku yaalla magaalada Qaazaan, halka ay sheegtay wasaaraddu iney soo rideen 2 diyaaradood, labo kalena ay ka hor tageen.
Muuqaal lagu baahiyay warbaahinta ayaa lagu arkayaa mid kamid ah diyaaradaha oo si toos ah ubeegsaneysa dhismaha dheer ee ku yaalla magaalada, waxaana ka kacaya holac, in kastoo wax yeello sidaasi uweyn aysan soo gaarin.