Xukuumadda Ukraine ayaa sheegtay, iney duqeyn la beegsatay goob shidaalka laga soo saaro oo lagu magacaabo Andariyabol, taasoo ku yaalla gudaha dalka Ruushka.
Kadib markii ay sawaariikhdu ku dhacday halkan, waxaa ka kacay dab way kaasoo sababay gubasho baaxad leh, waxayna wararka qaar sheegayaan in in sido kale ay Ukraine beegsatay, dhisme ay xukuumadda Mooskoow ku keydsato gentaallada.
Qaraxyo waa wayn ayaa laga maqlay, goobta ay duqeyntu ka dhacday, marka laga soot ago khasaaraha hantiyeed ee ka dhashayna mahelin illaa iyo hadda, waxa dhimasho ama dhaawac ah oo ay weeraradan sababeen.
Labadan dowladooda ayuu dagaalkoodu kusoo haray sida muuqata iney iska weeraraan goobo fog fog, islamarkaana yareeyaan dagaallada foolka foolka ah ee ay dhimashada badan ka dhaxleen.