Wadanka Mareykanka waxaa maanta ka dhacay weerar gaari jiirsiin ah, kaasoo ay ku dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad badan.
Weerarkan ayaa ka dhacay waddo laami ah oo marta xaafadda Faransiiska ee ku taalla magaalada New Orleans oo katirsan gobolka Louisiana.
Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhimatay halka ay ku dhaawacmeen 30 kale, xukuumadda Waashington oo ka hadashay weerarkan waxay ku tilmaamtay inuu yahay weerar argagixiso sida ay hadalka udhigtay.
Warbaahinta CBS ee laga leeyhay Mareykanka oo soo xiganeysa qof goob jooge ah ayaa sheegtay, in ruuxa goob-jooga ah usheegay ingaariga wax jiiray uu ahaa nooca loo yaqaan truck-ga oo kamid ah gawaarida waaweyn ee xamuulka ah.
Goob-joogughu wuxuu intaasi ku daray, in wadaha gaariga uu beegsaday goob ay ka buuxeen dad badan oo udabaal degayay ciidda Kirismiska ee ay Nasaaradu dhigtaan billowga sanad waliba, kadib markii uu dusha ka maray intii uu jiiri karana, wuxuu kasoo kasoo degay gaariga, isagoo rasaas ku billaabay dadkii meesha ku sugnaa.
Wuxuu intaasi ku daray qofka goob jooga ah, in qofkii fuliyay weerarka ay rasaas isdhaafsadeen Booliska Mareykanka, halkaasina ay naftu uga baxday ugu dambeyntii, dabadeed markii ay haleeshay rasaastii Booliska.