Waxaa maxkamad ku taalla magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda kasoo hor muuqday, saraakiil katirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, kuwaasoo loo heysto iney masuul ka yihiin burbur diyaaradeed oo ka dhacay Soomaaliya sanadkii lasoo dhaafay ee 2024-ka.
Saraakiisha maxkamadda kasoo hormuuqday ayaa tiradoodu waxay gaareysaa illaa saddex sarkaal, waxaana lagu kala magacaabaa korneel Joorji Buuga, 51 sano jir ah, Majer Benjamin Kashumbusha oo 43 sano jir ah, iyo Heneri Gejendha oo 38 sano jir ah.
Garsooraha Maxkamadda ay kasoo hormuuqdeen saraakiishan, ayaa ku eedeeyay in dayac ay sameeyeen ay sababtay burburka diyaarad hellicopter ah, oo bishii September sanadkii tagay ee 2024-ka ku burburtay gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay kusii jeeday saldhiga Bellidoogle oo ay deganyihiin ciidamo Maraykan, Afrikaan iyo Soomaali isugu jira.
Burburka diyaaradda hellicopterka waxaa ka dhashey sida garsooraha Maxkamadda magaalada Kampala uu sheegay, dhaawaca 4 askari, oo 3 kamid yihiin ciidamada Uganda ee qeybta ka ah duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya.
Haddii lagu helo eeda ah in dayaca ay saraakiishan sameeyaan uu dhaliyay burburka diyaaradda, waxaa suurogal ah in saraakiishan lagu rido xukun dil toogasho ah gaari kara, laakiin waxay si adag u beeniyeen in burburka diyaaradda Hellicopterka ay iyagu sababteeda lahaayeen.
Tan iyo markii ay burburtay diyaaradda Hellicopoterka, waxaa ciidanka milliteriga Uganda ee magacooda loosoo gaabiyo UPDF, waxay wadeen baaritaanno loogu koor gulayo waxa dhaliyay burburka, waxaana hadda muuqata in saraakiisha masuulka ka ahaa diyaaradda, aaney u kuur gelin badqabkeeda, sidaasina ay ku burburtay.