Xukuumadda Ankara oo waayadii u dambeysay waday dhex-dhexaadinta Abiy Axmed iyo Xasan Sheekh oo uu ka dhexeeyay khilaaf salka ku haya is-afgaradkii xukuumadda Adis Ababa iyo Maamulka Soomaaliland, ayaa sheegtay iney lama huraan tahay in Itoobiya ay hesho qeyb kamid ah badda Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Jabuuti, ayaa sheegay in Itoobiya ay dadkeedu yihiin kuwa aad u badan, hadana aan heysanin wax bad ah, sidaasi darteed horumarka dhaqaale ee Itoobiya ay ku xirantahay iney hesho marin biyood.
Wuxuu tilmaamay in xukuumadda Ankara ay weli ka go’antahay sii wadista ololaha dhex-dhexaadinta Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, si Itoobiya ay badda u heshana ay tahay iney qaado dhabaha nabadda iyo wadahadallada, sida uu warka u dhigay.
Muhiimadda koowaad ee ay xukuumadda Ankara xilligan ka leedahay Geeska Afrika, ayuu wasiirka arimaha dibadda Turkiga wuxuu sheegay iney tahay in heshiis nabadeed ay gaaraan Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.
Wuxuu aad ugu celceliyay muhiimadda ay xukuumadda Ankara siineyso sidii Itoobiya u heli lahayd marin biyood ay isticmaasho, taas bedelkeedana ay tahay iney Itoobiya qirto waxa uu ku tilmaamay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, hadalkaas oo u muuqda mid lagu hagardaameynayo shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Turkiga ayaa galaangal xoog leh ku leh Soomaaliya, iyadoo gacanta ku heyso ilaha ugu muhiimsan dhaqaalaha dalka sida dekadda iyo garoonka, waxaana ay Soomaaliya ku leedahay ciidamo gaar ah oo loogu yeero Gorgor, kuwaasoo fuliya ajanadaha Xukuumadda Ankara.
Tan iyo markii uu soo if baxay khilaafka Abiy Axmed iyo Xasan Sheekh Maxmuud, waxay Ankara u xusul duubeysay iney hesheesiiso labada dhinac, waxayna marti gelisay shirar dhexmaray Itoobiya iyo Dowladda Federaalka, kuwaasoo aanu wax heshiis ah kasoo bixin illaa iyo waqti xaadirkan.