Thursday, January 9, 2025
HomeAll NewsTurkiga oo Markale Hanjabaad u Diray Maleeshiyaadka Qasad ee ka Dagaallama Suuriya.

Turkiga oo Markale Hanjabaad u Diray Maleeshiyaadka Qasad ee ka Dagaallama Suuriya.

Xukuumadda Turkiga ayaa mar kale maalintii shalay oo talaado ahayd hanjabaad udirtay malleeshiyaadka Kurdiyiinta ubadan ee saldhigyada ku leh Waqooyiga iyo Bariga dalka Suuriya.

Turkiga ayaa malleeshiyadan ugu hanjabay inuu ku qaadi doono howlgal Millateri haddii asyan fulin shuruudaha Ankara ee ay udejisatay marxallada uu haatan ku jiro wadanka Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay in SDF lasiiyay digniintii igu dambeysay, maadaama malleeshiyada ay dowladda Turkigu u aqoonsan tahay urur argagixiso,

Hakan Fidan wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa wareysi uu shalay siinayay talefashin maxalli ah ku yiri: ‘’ Haddii ururka SDF uusan u dhaqmin si waafaqsan shuruudaha aan usoo jeedinay, waxaan qaadi doonaa tallaabada lagama maarmaanka ah’’ wuxuuna mar wax laga wadiiyay waxa ka dhalankara tallaabadan sheegay, in wadada kaliya ee Turkiga ufuran ay tahay howlgal Millatei.

In kastoo muddo badan uu Turkigu dagaalla ka dhanka ah kooxdan u adeegsanayay malleeshiyaad isaga daacad u ah, hadane waxaa muuqata markan inuu si toos ah banaanka isku keentay, waxaana laga war sugayaa sida ay wax udhacaan maalmaha soo socda Allaah idankiis.

Malleeshiyaadkan ay xukuumadda Ankara u hanjabtay ayaa lagu magacaabaa Quwaad As-Suuriya Ad-Dimoqoraadiyah, waxaan 2015-kii Suuriya ka aas aasay Mareyaknaka, isago ayaana la garab taagaan taageero dhan waliba ah, waxayna wadanka ka heystaan dhul ballaaran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments