Nin ka careysan hantidiisa oo qeyb laga siiyay haweeney uu furay, ayaa 35 ruux ku dilay dalka Shiinaha.
Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Van, ayaa gaari uu watay dusha ka mariyay, dad badan oo hor dhoobnaa goob lagu dheeelo ciyaaraha kala duwan oo ku taalla magaalada Zhuhai ee dhacda Koonfurta Shiinaha.
35 qof ayaa ku dhimatay gaariga uu jiirsiiyay oo ku socday xawaare sare , halka ay ku dhaawacmeen 43 kale.
Falkan ayaa dhacay maalintii Isniintii hase ahaatee wararka ku saabsan waxaa la helay maalintii shalay oo Talaado ahayd, maadaama xukuumadda wadankaasi ay gacanta ku heyso warbaahinta halkaasi wax kasoo tebisa.
Ninkan dadka xasuuqay oo 62 jir ah, ayaa waxaa qudhiisa sooo gaaray dhaawacyo kala duwan, wuxuuna galay koomo.
Baartitaan hordhac ah oo la saameyay ayaa sheegaya, in ninkan uu ka xumaaday qeybta kasoo gaartay hanti loo kala qeybiyay isaga iyo haweeney uu furay.