Sunday, January 5, 2025
HomeAll NewsTobannaan Ruux oo uu Xildhibaan ku Jiro oo Lagu Xiray Dalka Kenya.

Tobannaan Ruux oo uu Xildhibaan ku Jiro oo Lagu Xiray Dalka Kenya.[DHAGEYSO]

Waxaa dalka Kenya ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dad kasoo horjeeda xukuumadda Kenya, kuna eedeeyay iney indhaha ka daawaneyso howlgallada afduubka ah ee kusoo batay dalkaas waayadii u dambeysay.

Sida ay tilmaamayaan hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha, ciidamada Booliiska Kenya ayaa xabsiga dhigay tobanaan ruux oo Kenyaati ah, oo ay ku jiraan masuuliyiin katirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Ugu yaraan 53 qof ayaa laga qabtay guud ahaan dalka Kenya maalmihii lasoo dhaafay, waxaana ku jira xillibaan lagu magacaabo Okiya Omtatah iyo Reuben Kigame oo horey isugu soo sharxay xilka madaxtnimada dalka Kenya, ahna heesaa caan ka ah dalka Kenya.

Booliiska dalka Kenya ayaa diiday iney tafaasiil rasmi ah ka bixiyaan dadka ay xabsiyada u taxaabeen, waxaana ay kusoo aadeyso iyadoo dhawaan madaxweynaha dalka Kenya uu qiray in afduubka kusoo badanaya dalka ay ka hortagi doonaan, halka uu horaan wararka la xiriira afduubka uu ku tilmaamay iney ku yihiin kuwa marin habaabin ah.

Halkaan ka Degso Warka Kenya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments