Magaalada Al-Hilaaliyah ee dhacda gobolka Al-Jaziira oo katirsan wadanka Suudaan ayaa muddo ka badan 20 maalmood waxaa go’doon xiriir ah ku haya, kooxda RSF ee ay taageerto xukuumadda Imaaraadka Carabta.
Dadka ku nool Al-Hilaaliya ayaa uqeybsan kuwo udhimanaya sababo la xiriira rasaasta RSF iyo raashin sumeysan oo ay dadka magaalada uqeybiyeen kooxdan.
Tirada dhimashada oo markii hore lagu sheegayay 300 iyo wax ka hooseeya, ayaa haatan sida ay warbaahintu soo tebineyso gaartay illaa 503 ruux, magaaladan ayaana go’doonsan muddo 21 maalin ah.
Dhinaca kale dadkii ugu badnaa ayaa ka barakacay gobolka Al-Jaziira ee dalka Suudaan, tan iyo laga soo bilaabo 20-kii bishii OKtobar ee ina dhaaftay.
Dadka barakaca sameeyay ayaa lagu sheegay iney tiro ahaan kor udhaafayaan 343 kun oo qof, oo qoys ahaan ka kooban dad lagu qiyaasay 68 kun qoys, waxayna ubarakaceen gobollada kale ee Suudaan sida Qadaarif, kasalaa iyo kuwo kale.
Waxaa dadkan geediga geliyay kooxda RSF oo gumaad wadareed kawadda gobolkaasi, sababo la xiriira amni darro iyo dhibaatooyinka kooxdaasi ayeyna uqaxeen.