General Muhoozi taliyaha guud ee ciidanka Uganda sidoo kalana ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaas Yuweri Miseveni, ayaa waxa uu hanjabaad dil ah hawada umariyay mid kamid ah madaxda mucaaradka ee Uganda.
Qoraal uu kusoo daabacay bartaa uu ku leeyahay “X” ee horay loo oran jiray Twitter, ayuu ku sheegay in uu doonayo in uu madaxa ka gooyo hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, balse uu ku ixtiraamayo nin lagu magacaabo Mzee sida uu hadalka u dhigay.