Dadka tahriibayaasha ah ee naftooda ku biimeeya badaha ayaa waxa ay wajahayaan xaalado adag, kuwaas oo doonaya iney tahriib ku galaan wadamada reer-galbeedka
Dadkaas waxaa kamid ah Soomaali marar badan ku le’atay xeebaha, waxaana dhalinyaro doonayay iney galadaan qaaradda Yurub ay qabow dartiis ugu geeriyoodeen jaziirad u dhaw qaaradda Spain.
Doon ay saarnaayeen 61 ruux oo ay Soomaali ku jiraan ayaa waxa ay kula degtay xeebaha u dhaw Spain, mid kamid ah Soomaalidii ka badbaaday mashaqadaas ayaa ka warbixitay xaaladda qabsatay.
Waxa uu intaa ku daray in qaarkood ay udhinteen qabowga daran ee halkaasi ka jira halka kuwa kalana ay miyirka beeleen.