Xaflad ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxaa dib loogu daah furay, suuqa ugu weyn ee Hargeysa oo ah Suuqa Waaheen, kaas oo bishii April ee 2022 ku bas beelay dab xooggan oo ka kacay suuqaas.
Suuqa waaheen oo ku fadhiya masaafo dhan 5KM, ayaa haabaatan dib dib loo furay, iyadoo laga dhisay 644 oo maherado ganacsi ah oo qaab casri ah loo dhisay.
Dib udaah furidda suuqa ayaa timid kadib markii ay iska kaashadeen ganacsatada waaweyn ee magaalada Hargeysa iyo guud ahaan dadka ku dhaqan magaalada, kuwaas oo isku tashi sameeyay.
Hanti lagu qiyaasay ku dhawaad 2 Milyan oo Doollar ayaa ku baaba’day dab muddo hadda laga joogo 2 sano ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.
Halkaan ka Degso Warka Suuqa Waaheen