Dad Soomaali ah oo ay kooxaha loo yaqaanno magafayaasha ku heysteen dalka Tuunis ayaa dib ugu soo laabtay Soomaaliya.
Dadkaan oo ay tiradoodu aheyd 24 ruux, ayaa waxaa usuura gashay iney kasoo badbaadaan gacanta kooxaha loo yaqaanno magafayaasha ee dhibaateeya dadka tahriibayaasha ah, waxayna la heystayaal ku ahaayeen dalka Tuunis.
Waxaa ku jiray ilmo yar oo dhalan wax yar 11 bilood, iyadoona in muddo ah ay la kulmayeen xad gudubyo kaga imaanayay kooxaha tahriibayaasha wadada ugala.
Qaar kamid ah dhalinyaradii dib ugu soo laabtay dalka ayaa ka warbixiyay, dhibaatadii ay kula soo kulmeen dalka Tuunis.