Dalka Suudaan ee dhaca bariga Afrika waxaa laga sii daayay dhalinyaro Soomaali ah oo waddankaasi lagu xiray, kuwaas oo doonayay iney qaab tahriib ah kaga gudbaan Suudaan.
Dhalinyarada Soomaalida ah oo isugu jira rag iyo haween ayaa waxa ay tiradoodu aheyd 22 ruux, waxa ayna muddo 3 bilood ah ku xirnaayeen dalkaas.
Waxaa lasoo warinayaa in wali gacanta Suudaan ay ku jiraan 3 kale oo dhalinyaro ah, kuwaas oo iyagana loo qabtay sida dhallinta hadda laga sii daayay xasbsiga.