Maxamed Aadan Rukow oo ah falanqeeya xaga Siyaasadda ah ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in iyadoo Itoobiya aaney ka laaban heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay la gashey maamulka labaxay Soomaaliland, wasiiradeeda lagu soo dhaweeyo Muqdisho, Dowladda Federalakana ay tilmaamto in lala heshiiiyay.
Wuxuu sidoo kale falanqeeyahan siyaasiga ah tilmaamay in Umadda Soomaaliyeed looga fadhiyo sidii ay uga tashan lahayd Xasan Sheekh Maxmuud iyo Dowladiisa, Itoobiyana aaney dooneynin dekad ay wax kasoo degsato, balse ay rabto bad ay qaadato, taasina aan laga heli doonin Umadda Soomaaliyeed.